Portal:Aasiya
Aasiya (Eeshiya Af Ingiriis : Asia; Af Carabi : ar; |ˈ|eɪ|ʒ|ə|,_|ˈ|eɪ|ʃ|ə|) waa qaarada ugu weyn Dhulka iyo tan ugu dadka badan leh, taasi oo dhacda meel u dhaxaysa dhamaan qaaradaha kale ee dhulka. Qaarada Aasiya waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg tahay 44,579,000 square kilometres (17,212,000 sq mi), taasi oo u dhiganta ilaa 30% dhulka Dunidan iyo 8.7% oogada sare ee meerahan. Intaas waxaa dheer, qaaradan waxaa ku dhaqan shacabka ugu badan ee aduunka taasi oo gaadhsan 4.4 bilyan (labada wadan ee ugu dadka badan waa Hindiya iyo Shiinaha). Waxaa xusid mudan iyadna in qaarada Aasiya ay ka dhismeen boqortooyooyinka ugu horeeyay ee aadamuhu sameeyaan. Guud ahaan, qaarada Aasiya waxaa dhinaca bari ka xiga Badweynta Baasifik, koonfurta waxaa ka xigta Badweynta Hindiya, dhinaca waqooyi waxaa ka xiga Badweynta Arktik. Aasiya waxay dhinaca ku haysaa qaarada Yurub, halkaasi oonu jirin wax dabiici ah oo labada qaaradood kala sooca. Laakiin sida ku xusan sharciyada caalamiga ee xuduudaha qaarada Aasiya xadkeedu wuxuu ka bilaabmaa bariga Gacanka Suweys, webiga Yural, iyo Buuraha Yural. Aasiya waa qaarada ugu weyn aduunka isla markaana ugu dadka badan dhamaan caalamka. Buurooyinka ugu weyn aduunka waxee ku yaalaan qaaradan. MuuqaaloNanga Parbat waxay ka mid tahay sagaalka buurood ee ugu dhaadheer Dhulka. Buurtani waxay ku taalaa waqooyiga wadanka Bakistaan waxayna leedahay dherer dhan 8,126 meters (26,660 ft). Sawir Xul ahMuuqaalka guud ee caasimada Malé, magaalo madaxda wadanka Jamhuuriyada Maldifes. Shakhsi xul ahMaqaal xul ahBurj Khalifa (Af Carabi : ar, turjumaad: "Dabaqa Khalifa"; loogu dhawaaqo English /ɜrdʒ kəˈliːfə/), sidoo kale loo yaqaano Burj Dubai waa dabaqa ugu dheer aduunka kaasi oo ku yaala magaalada Dubay, Imaaraatka Carabta. Burj Khalifa waa dabaqa aduunka uugu dheer, oo dhirirkiisu yahay 828 meter . Waxoona ku yaalaa magaalada Dubay ee dalka Imaaraatka Carabta. Burj khalifa waxaa la bilaabay, 21 sebteembar 2004. waxaana la dhameeyay 2009 oona la furay 4 Janaayo 2010. Dabaqaan dheer waxaa ku dhaxyaalo Hotelal iyo guryo. CategoryMaqaalada AasiyaPortal kaleMashaariic Bahwadaag
|