Jump to content

Faruur

Ka Wikipedia
Lips
Details
Arteryxidido yar dhiig, (superior labial)
XididoInferior labial vein (superior labial)
Nerfiyofrontal, infraorbital
Identifiers
Latinlabia oris
NeuroNames{{{BrainInfoType}}}-{{{BrainInfoNumber}}}
Anatomical terminology

Faruur, Bushin, ama Dibin (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : Lips) wadartu waa Faruuryo, ama Dibno, iyo Bishimo, waa qaybta jilicsan ee ku hareeraysan afka, waxay dareentaa kulka cuntada inta aan afka la galin, waxayna saamayn ku leedahay ama ka qaybqaataan hadalka iyo dhawaqiisa, waxaana loo adeegsadaa dhunkashada ama shuminta ilmaha ama qof la jecelyhay.

Samayska faruuraha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Faruurta ayaa ka kooban qayb sare oo ka samaysan maqaar jilicsan oo ku daboolan qayb sidii cinjir oo kale ah, iyo muruq iyo heleb ku dhex samaysan,

Dildilaaca Bishimaha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Faruuryaha oo dildillaaca oo qolfoof yeeshaan "Cheilitis" waa xaalad ka dhalato markii faruuryuhu qallaalaan kadibna dillaacaan maxaa yeelay badanaa faruuryaha waxaa dulsaaran xuub yar oo dufan leh oo eebbe ugu talagalay in uu subkiyo faruuryaha, haddii xuubkaas la waayo ama laga qaado faruuryaha ayaa dhibkaan la arkaa.

Calaamadaha

Calaamdaha faruuryaha dildillaaca waxaa ka mid ah: 

- Faruuryo qalleel, 

- Barar, 

- Jeexjeex yar, 

- Dubka oo ka fiiqmo.

Haddii dildillaaca uu weynyahay faruuryaha way dhiigaan xanuunne way keenaan.

Sababaha

Faruuryaha oo jeexjeema wax badan ayaa keeni karo laakiin waxaa ugu caansan faruuryaha jeexjeexmo xilliga qaboobaha.

Waxyaabaha kale ee caanka ah oo faruuryaha dillaaciya waxaa ka mid ah caadada faruur leefleefka taasoo xuubka dufanka leh ka qaaddo.

Waxaa kaloo keeni karo haddii jirkaaga ku yaryahaya fitamiinada iyo macdanta qaar ee jirka wax u tara.

Waxaa kaloo dildillaacin kara faruuryaha hawada kulul haddii ay tahay mid bannaanka ah ama mid gudaha caloosha ka soo baxdo, sida dadka qaba gaaska oo kale.

Daaweynta

kareemka batroolka ka samaysan sida faasaliinta ayaa ah daaweyn ku meel gaar ah.

Dheecaannada wax burburiya ee calyada laga helo "enzymes" ayaa qaar waxay dhaawac u gaystaan faruuryaha oo dildillaaciyaan, taasne waxaa looga taxaddari karaa oo lagu daweyn karaa in aad joojisid haddii aad leedahay caadada faruuryaha in la leefo.

Dadka ay ku yaryihiin fitamiinada iyo macdanta jirka u baahan yahay waa in ay qaataan, dadka qabo gaaska ama cudur faruuryaha ku dhaca iyagane waa in alga daaweeyaa.

Guri Ku Daaweyn

Malabka waa daaweynta ugu fiican oo lagu daaweeyo faruuryo jeexanka, waa in faruuryaha la mariyo maadaama malabka uu subkayo uuna leeyahay maaddo la dagaallanto bakteeriyada.

Ka hortag

Iska ilaali in aad cabto biyaha aashitada leh ama biyaha aad u qabow maadaama ay dhaawacaan faruuryaha.

Haddii ay jiraan daawooyin aad qaadato waxaa laga yaabaa in ay keenaan faruuryo dillaaca.

Jooji faruuryo leefleefka haddii ay caado kuu tahay.

Haddii aad qabtid gaas, fadlan iska daawey.

Haddii talooyinkaas wax is badal iskaga garan waysid la xiriir takhtar cudurada maqaarka ah si loo ogaado dhibaatada bishinta kaa haysato.[1]

„Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.”

„Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.”

„Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.”

„Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,”

„Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.”

„Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.”

„Bushimaha beenta sheega Rabbigu Yehowah wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.”

„Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda.”

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-08-07. Soo qaatay 2016-08-13.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)